Scroll to Top

Jubbalandi Media

wararka, geeska africa


Kismayo City

This user hasn't shared any profile information

September (22, 2017) Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo wafdiga la socda ee  ku sugan Magaalada Newyorka ayaa kulan la qaatay madax ka socota wadamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya. Kuwaas oo sida xubnaha dowladu noo xaqiijiyeen ka wada hadlay arrimo la xariira Xoojinta xariirka wadamadaas ay la leeyihiin Soomaaliya, Horumarinta howlgalada ka dhanka ah Nabad...

(September 22 2017) wafdi ka socda dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland oo uu hogaaminayo wasiirka iskaashigga iyo xiriir caalamiga Feyruus Xaaji Xuseen iyo xildhibaanno ka tirsan Jubbaland ayaa gaaray dalka Mareykanka. Wafdigan waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Gudoomiyaha rugta Ganacsigga iyo warshadaha Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin. Ujeedka wafdigan ayaa lagu sheegay...

Agoosto (26 2017) Banaanbax looga soo horjeedo Dadkii Shacabka ahaa ee Shalay lagu dilay Duleedka Degaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Maanta ka dhacay Degaanka Ceelasha-biya iyo Degmada Afgooye oo ka wada tirsan Gobolka Shabellaha Hoose. Boqolaal Ruux oo isugu jira Carruur iyo Haween ayaa isugu soo baxay Wadooyinka waa-weyne ee Degmada Afgooye iyo Degaanka...

Agoosto (26 2017) Taliyaha Ciidamada Booliska Koofur Galbeed Korneyl Mahad C/raxmaan Aadan  iyo Wasiirka Amniga Maamulka Koofur Galbeed  Xasan Xuseen oo la hadlay Warbaahinta ayaa ku Amray Shacabka ku nool Degaanada Koofur Galbeed gaar ahaan kuwa ku nool Magaalada Baydhabo in aysan Garsoor u doonan karin Dhulka ay Maamulaan Al-shabaab. Taliyaha Booliska Koofur Galbeed...

Agoosto (26 2017) Nin Soomaali ah ayaa la toogtay ka dib markii uu xalay faas ku weerarray askar u dhalatay dalka Belgium, kuwaasoo ku sugnaa caasimadda Brussels. Dacwad oogayaasha dalkaasi ayaa weerarka ku tilmaamay mid argagixiso. Ninka weerarka fuliyay oo da’diisa lagu sheegay 30 jir ayaa markii dambe ku dhintay cisbitaal lagu daweynayay. Mid ka mid ah askarta uu...

Agoosto (21 2017) Sida ay maanta oo Isniin ah ay baahiyeen Warbaahinta Dalka Kenya ciidamada KDF ee dalkaasi ayaa qorsheeyay in ay duqeyn dhanka cirka ah ay ka fuliyaan dhulka keynta ah ee Bonis ee wadankaasi Kenya halkaas oo la aaminsan yahay in Al-Shabaab ay Ku xoogan yihiin. Howlgalkaan ayaa La sheegay in uu ahaan Doono Mid Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya ay Bambooyin...

Augost (21 2017) The Kenya Defence Forces on Sunday resumed bombing Boni Forest in Lamu, the hideout of  Al-Shabaab gangs who have been terrorising residents recently. The forest has been home to one of Al-Shabaab’s elite groups, Jaysh Al-Ayman, who have been operating from there since  2012/13 in retaliation to the deployment of Kenyan soldiers to Somalia. Residents...

Agoosto (21 2017) Shilkani ka dhacay Dekedda magaalada Berbera ayaa yimiod kadib markii xalay ay isku dheceen labo markab oo halkaasi ku xirnaa, mas’uuliyiinta Soomaaliland ayaa sheegay in mid kamid ah labadaasi markab uu waxyeelo aan badneyn gaartay, markii oo dhinac ka dolooshmay. Horumar ballaaran ayaa ka soconaya dekedda magaalada Berber ee Soomaaliland, kadib markii...

Agoosto (20 2017) Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo  ayaa saakay oo Axad ah waxa uu u ambaxay magaalada Qaahira ee dalka Masar. Madaxweynaha oo casumaad ka helay dhiggiisa dalkaasi ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde kusii dhoweeyay mad’uuliyiin ka tirsan dowladda. Agaasimaha Villa Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed oo warbaahinta...

Agoosto (17 2017) Sida ay xaqiijinayaan warar hordhac ah saakay aroortii hore duqeyn adag ayaa ka dhacday deegaan u dhaxeeya Kamsuuma iyo Jilib ee Gobolka Jubbada Hoose. Deeganadan waxaa ku sugan kooxda argagixisadda Al-Shabaab. Weerarkan ayaa la rumeysan yahay in lala beegsaday xarun ay ku sugnaayeen maleeshiyada Al-Shabaab. Diyaarado dagaal oo joog hoose ku socda ayaa...

Agoosto (15 2017) Ku xigeenkii hore ee kooxda Al-Shabab Mukhtaar Roobow oo goor dhow warbaahinta kula hadlay Hoteelka City Palace ee magaalada Muqdisho ayaa cadeeyay mowqfika uu ka jooga kooxda Al-Shabaab oo uu mar u ahaa laf dhabar iyo mas’uul sare. Roobow ayaa yiri “Aniga shan sano ka hor ayaan Al-Shabaab iskaga baxay markaan arkay in aysan dan u hayn shacabka...

Agoosto (15 2017) Orodyahanka caanka ah ee u orda dalka Britain asalkiisuna yahay Soomaali Mo Farah ayaa sheegay inuu doonayo in hadda laga bilaabo loogu yeero magaca ah Maxamed Faarax. Maxamed Faarax ayaa warkan ku dhowaaqay kahor tartan Maaradoon ah uu dhowaan galayo, waxana uu ku guuleystay bilad dahab ah iyo mid qalin ah tartanka orodka caalamka ee ka dhacay magaalada...

Agoosto (15 2017) Macaaradka dalkan Kenya oo marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan NASA ayaa maanta laga sugayaa in ay sheegaan mawqifkooda ku aadan doorashadii ka dhacdya dalka Kenya ee uu ku guuleystay xisbiga Jubilee. Hogaamiyaha Mucaaradka ee Raila Odinga ayaa kol sii horeysay sheegay in Agoosto 15-keeda ay cadeyn doonaan mawqifkooda ay ka taagan yihiin doorashadii...

Agoosto (15 2017) Shalay gellinkii dambe waxaa soo baxday in Xildhibaanno ka tirsan Maamulka Hirshabelle ay sheegeen in ay Kalsoonidii kala laabteen Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble. Arrintan ayaa waxaa ka taagan Khilaaf ka dhashay Xilka qaadstaasi ayadoo ay hawshan socotoay maalmihii la soo dhaafay oo idil. Xildhibaanno ka tirsan Maamulka Hirshebeelle...

Agoosto (15 2017) Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo markii labaad loo doortey hogaanka dalkiisa ayaa ugu baaqay mucaaradka inay sharciga ilaaliyaan oo wax walba ka hormariyaan ammaanka. Sidoo kale Madaxweyne Kenyatta ayaa ugu baaqay Booliska inay si wanaagsan ula dhaqmaan dadka diidan natiijada ka dhalatay doorashadii toddobaadkii la soo dhaafay ka dhacday dalka...

Agoosto (15 2017 ) Taliyaha Ciidamada xoogga dalka ayaa waxaa uu Cabdullahi Iiman Cynte u magacaabay afhayeenka ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, arrintan ayaa timid kadib wareegto xafiiskiisa Taliyaha ka soo baxday, Hoos ka aqriso Wareegtada ...

Agoosto (14 2017) Baarlamaanka maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta shaqada ka eryay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullahi Cosoble. Kulan ay shir guddoomineysay guddoomiye ku xigeenka 2aad ee maamulka Marwo Canab Axmed Ciise ayaa waxaa soo xaadiray 76 Xildhibaan, waxaana la bilaabay codeynta mooshinka kalsoonida lagala noqonayo madaxweynaha Hirshabeelle Cali...

Agoosto (14 2017) Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax gaari oo goor dhow ka dhacay wadada aadda garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta. Qaraxan ayaa la sheegay in lagu xirey gaari nooca yar yare oo Taksi ahaan u shaqeynayey, waxaana halkaasi ku dhintey darawalkii gaariga kaxeynayey, waxaana...

Agoosto (14 2017) Xubno ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka  Soomaaliya, ayaa dalka koonfur Africa kula kulmay xubno metelayay Wasaaraddaha Gaashaandhigga iyo Arrimaha Dibadda ee dalka Koonfur Afrika. Wafdiga Soomaalida ee dalkaa tagay ayaa booqasho lagu geeyay dhismaha wasaaradda gaashaandhiga Koonfur Afrika iyo Xarumo kale oo wadankaa...

Agoosto (14 2017) Mooshin ay ku qoran yihiin magacyada 72 xildhibaan oo Hirshabelle ah, qaarkoodna saxiixan ayaa waxaa loo gudbiyey guddoonka baarlamaanka ee maamulkaasi. Sababta ka dambeysa mooshinkaan ayaa ah xil ka qaadista madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo maalmahan ay ku dheganaayeen xildhibaannada Hirshabelle. Hoos ka Aqriso Mooshinka la saxiixay ...