SHABAAB KU HALAAGSAMAY MIINO AY DHIGAYEEN

by Kismaayo City | Saturday, Nov 25, 2017 | 196 views

Labo kamid ah dhagar qabayaasha shabaab Ee wakhtigooda dhamaaday, ayaa Naftooda ku waayay miino ay ku aasayeen meel u dhow Shandarmood oo ka tirsan Jubadda Hoose.

Ciidanka Nabad suggida Jubaland oo ka war helay isla’markaana ku raadjoogay shabaabka dhuumaalaysiga kujooga Jubbooyinka ayaa baqdintii iyo cabsidii gashay awgeed kalsooni daro ay ka qaadeen ayay mar kaliya laqaxday, waxayna Ciidanka Jubaland dul tageen Hilibkoodii.

Raggan oo lagu kala magacaabo Boorow Kijaaja iyo Fanax, ayaa noqonaya khasaaradii ugu dambaysay ee shabaab ka soo gaara dhibaatada ay umada Somaliyeed u maleegayaan.

Ciidanka Jubaland, oo kalsooni badan siiyay dadka Deegaanka, ayay kala dhaxaysaa wada shaqayn buuxda oo sababtay inay ku soo war galiyaan Miinada meesha lagu aasayay.

 

Like it? Share it!