Shirka madasha hogaamiyayaasha Soomaalida oo la isku fahmi la’yahay

by jubba | Thursday, Nov 2, 2017 | 110 views

Magaalada Muqdisho waxaa mudo Todobad ku dhaw kasocda shir ay yeelanayaan madaxda Dowlada Federaalka iyo madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada.

Wararkii ugu danbeeyay waxaa ay sheegayaan in la isku raacay arimaha amaanka balse wali loo maaro la’yahay arimaha Siyaasada iyo dhaqaalaha iyadoo si aad ah loogu kala fogyahay gaar ahaan shaqaaqooyinkii dhawaan ka dhacay cadaado oo muujinaya kaslooni daro dowlad Goboleedyadu ay qabaan iyo wararka soo baxaya ee tibaaxaya in abaabul uu kasocdo Magaalada Baydhabo xilka lagaga qaadayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan sheekh Aadan.

Inkasto wajigu uu yahay mid caadi ah hadana waxaa muuqata in isfahan buuxa uuna jirin ilaa hada iyadoo xiita aan wali jirin bisayl ah in lagu guulaysto shirkan maadama kaslooni daro badan ay ka jirto dhinacyada dhaqaalaha iyo Siyaasada oo Dowlada Federaalku ay doonayso in looga danbeeyo.

 

 

Like it? Share it!