Maraykanka oo ka walaacsan dhaqaalaha la siiyo Soomaaliya in qayb kamid ah gacanta u gasho Al-Shabaab

by jubba | Thursday, Nov 2, 2017 | 269 views

Waaxda  Arrimaha Dibbada Maraykanka qeybteeda u qaabilsan Afrika ayaa  ka walwalsan in dhaqaalaha la siiyo dowlad  Soomaaliya inay u wareegto ururka Al-Shabaab oo Soomaaliya ka wada dagaal ay ku arqaladaynayaan nabadgalyada.

Qaybta dabagalka Wasaarada Arrimaha Dibada Maraykanka ayaa walaacan muujisay iyadoo sarkaal ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibada Maraykanka ayaa waxaa uu sheegay in inaysan sameyn siyaasad iyo qorshe qiimeyn loogu sameeyo  halista ah in dhaqaalaha Maraykanka uu bixiyo uu gacanta u galo ururka argagaxisad ah ee Al-Shabaab.

Warbixin ay soo saartay dowlada Maraykanka ayaa  lagu sheegay in toddobadii sano ee ugu dambeysay ay ku taageereen ciidamada Milatariga ee Soomaaliya lacag gaareysa $66 million oo dollar.

Sidoo kale Baryaashan ayaa waxaa ay aaminsan yihiin in lacagtaas qeyb ka mid ah ay si dadban ku gaartay  Al-shabaab,Balse aan la ogeyn Habka ay ku baxday lacagtaas oo ay gacanta ugu gashay xagjiriinta.

Baarayaashaan waxay tilmaameen inay suurtagal tahay in Al-Shabaab gacanta u gashay qeyb kamid ah dhaqaale loogu talo galay illaa 6,509 askari oo ka tirsan ciidanka Soomaaliya kuwaas oo xaalad adag ku shaqeeya.

Dowlada mareykanka ayaa sheegtay inay il gaarka u yeelan doono gar-gaarka ay siiso Dowlada Soomaaliya,maadaama ay ka cabsi qabaan in dhaqaalaha ay soo dhiibaan Mareykanka loo Gacan geliyo Dagaalamayaasha Al-Shaabaab.

Wasaarada Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa  waxaa ay  warbixin ay caalamka ka soo saartay sanadkii 2016 ku sheegtay in ciidamada dowlada Soomaaliya ay xadgudub ku sameeyeen dadka rayidka ah kaas oo isugu jira kufsi xadhig sharci daro ah iyo jirdil.

 

Like it? Share it!