DEG DEG: Qarax ka dhacay Muqdisho

by jubba | Thursday, Nov 2, 2017 | 185 views

Inta la xaqiijiyay labo qof ayaa ku dhaawacmay gaari qarax lagu soo xiray oo ku qarxay isgooyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Amaanka Caasimada ayaa dhawaanahan soo hagaagayay ayay u muuqata in habacsanan badan uu hada wajahayo iyadoo qaraxyo dhawr ah oo Caasimada ka dhacay ay boqolaal qof ku dhinteen.

Ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa isku diyaarinaya hawlgal Al-Shabaab dalka lagaga saarayo inkasto ay muuqato in uu wakhti qaadanayo.

Dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in uu dagayo Magaalada Afgooye si halkaas uu uga abaabulo hawlgalada lagu cirib tirayo Al-Shabaab.

Like it? Share it!