Madaxda iyo shacabka Jubbaland oo maanta isusoo bax balaaran ku muujiyey dareenkooda.

by jubba | Tuesday, Oct 17, 2017 | 318 views

Madaxda Dowlad goboleedka jubbaland iyo Shacabka reer kismaayo ayaa maanta si wada jir ah dareenkooda ugu muujiyey walaalahooda reer muqdisho ee waxyeeladu kasoo gaartey qarixi zoobe ee magaalada muqdisho.

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland suldaan luga dheere , Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh cabdi , Taliyaha nabadsugida Khaalid sheekh cabdulahi ayaa kamid ahaa masuuliyiintii shacabka kala qeybgaley isu soobaxa lagu muujinayey dareenka iyo xanuunka ay laqeybsanayaan walaalohooda reer muqdisho iyo soomaaliweyn dhamaanteed.

 

Sawirro

 

Like it? Share it!