Hirshabelle :Nalagama tashan war-saxaafadeedka ay Maamul goboleedyadu soo saareen.

by jubba | Wednesday, Sep 27, 2017 | 107 views

Waraaq kasoo baxdey xafiiska madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle mudane Cabdi Awaare ayaa lagu sheegey inaysan kuraacsaneyn go’aanka ay maamul goboleedyada dalku ka qaateen arrinta murugsan ee maamul goboleedka galmudug ka taagan.

Maanta ayaa waxaa soo baxey warmurtiyeed ay kumideysanyihiin Maamul goboleedyada kala ah Puntland ,Jubbaland , Koonfur galbeed ,Galmudug kaas oo ay kujirtey hirshabelle astaanteedu laguna sheegey in laisku wada waafaqsanyahay , warmutiyeedkaas oo lagaga horyimid go,aankii Baarlamaanka Galmudug ay xilka kaga qaadeen madaxweyne Xaaf sidookalena Dowladda soomaaliya lagu cambaareeyey faragelinta ay kuhayso maamulka Galmudug.

 

hoos ka akhriso labada Warmurtiyeed.

Like it? Share it!