AMISOM oo xoojineysa la dagaalanka Al-Shabaab

by Kismayo City | Friday, Sep 22, 2017 | 95 views

September (22, 2017) Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo wafdiga la socda ee  ku sugan Magaalada Newyorka ayaa kulan la qaatay madax ka socota wadamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Kuwaas oo sida xubnaha dowladu noo xaqiijiyeen ka wada hadlay arrimo la xariira Xoojinta xariirka wadamadaas ay la leeyihiin Soomaaliya, Horumarinta howlgalada ka dhanka ah Nabad diidka iyo sidii loo heli lahaa ciidamo Soomaaliyeed oo la wareega amniga dalkooda.

Madaxdii ay la kulmeen wafuudda dowladda Soomaaliya waxa ay qireen in Soomaaliya ay ka soo kabanayso xaaladihii adkaa ee ay soo martay isla markaana uu muuqanayo isbedal dhaxal gal ah, iyaga oo balan qaaday in ay is garab taagi doonaan dowladda Soomaaliya.

Like it? Share it!