Weerar is Qarxin ah oo ka dhacay Baydhabo

by Kismaayo City | Friday, Sep 8, 2017 | 306 views

Weerar ismiidamain ah oo uu fuliyay nin isku soo xiray walxa qarxa ayaa galabta ka dhacay maqaayad ku taal magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen tiro dad ah inkastoo aan lahayn inta ay yihiin waxaana jira dhaawacyo ka dhashay qaraxan.

Maqaayada la qarxiyay ayaa ku taala agagaarka Afar Irdoodka Baydhabo halkaasoo ka mid ah goobaha aadka u camiran ee faras magaalka ah.

Like it? Share it!