Maraykanka oo duqayn Cusub ka fuliyay Soomaaliya

by Kismaayo City | Thursday, Sep 7, 2017 | 73 views

Taliska Ciidamada Maraykanka qaybta ayaa sheegay in ay rumaysan yihiin in ay dileen sadex sargaal oo katirsan Al-Shabaab duqayn Cusub oo aan la sheegin halka ay ka dhacday.

Anthony Falvo, oo ah afhayeen u hadlay taliska Mareykanka ee Africa ayaa u sheegay AP in goobta ay weerareen in rayid aysan ka dhaweyn, sidoo kalana ay baarayaan magacyada seddexda xubnood ee duqeynta lagu dilay.

Dowlada Maraykanka ayaa laban laabtay weerarada dhinaca cirka ah oo ay ku beegsanayso sarakiisha Kooxda Al-Shabaab

Like it? Share it!