Xildhibaanada Federaalka oo ka biyo diiday go’aanka lagu wareejiyay Qalbi Dhagax

by Kismaayo City | Wednesday, Sep 6, 2017 | 85 views

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa kulan deg deg ah ka ka yeeshay go’aankii maanta ka soo baxay Xukuumada Soomaaliya ee ku aadanaa dhiibistii dowlada Itoobiya loo gacan geliyay  C/Kariin Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ahaa madaxda Jabhada ka dagaalanta dalka Itoobiya ee ONLF.

Xildhibaan Maxamuud C/llaahi Axmed (Abuukaato) oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in kulankan oo ay Muqdisho ku yeesheen ay kaga soo horjeedaan hananka Dowlada federaalku ay u martay dhiibista Qalbi Dhagax.

“Waxaan ka naxnay  go’aankii maanta kasoo baxay golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya,maalinta Sabtida ah ee uu Baarlamaanku furmi doono ayaa isbedel la arki  doonaa.”ayuu ku goodiyay xildhibaan Abuukaato.

Golaha Wasiirada ayaa difaacay go’aankii ay Qalbi Dhagax ugu gacan galiyeen dowlada Itoobiya, waxaana ay sheegeen in uu ahaa shaqsi Argagixiso ah oo falal amaanka lid ku ah ka abaabulayay Soomaaliya.

 

 

 

Like it? Share it!