Xildhibaan Geelle oo iska fogeeyay in uu wax ka ogaa dhiibista Qalbi Dhagax

by Kismaayo City | Wednesday, Sep 6, 2017 | 216 views

Xildhibaan Maxamed Jaamac Mursal Geelle kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in uusan waxba kala socon arinta Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo Dowlada Federaalka ah ay ku wareejisay Itoobiya.

“Anigu dalka waxaan kasii maqnaa 40 cisho marka uu warkan soo baxayay waxaana ka maqlay Saxaafada dad ka sheegaya in aan ku lug lahaa waana been abuur” ayuu yiri Xildhibaan Geelle.

Xildhibaanku waxaa kale oo uu sheegay in ay jiraan dad doonaya in ay daacayado ka faafiyaan taasna aysan bulshadu ku kadsoomin.

“Waxaan ahay Xildhibaan katirsan Baarlamaanka wixii ra’yi ah ee arinta aan ku leeyahay waxaan ku biirin doona fadhiyada Baarlamaanka balse waxaan idiin xaqiijinayaa in wararka suuqa lala wareegayaa aysan sax ahayn oo dhiibista Qalbi Dhagax anan waxba ka ogayn xiita Aqoon hore anan u lahayn” ayuu yiri Xildhibaanku.

Markii ay soo bexeen wararka sheegaya in Dowladu ay Itoobiya ku wareejisay Abdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax waxaa jiray warar lagu baahiyay Warbaahinta oo la xiriira in Maxamed Jaamac Mursal Geelle uu kamid ahaa dadkii wax ka ogaa dhiibista Qalbi Dhagax taas oo uu hada beeniyay.

Like it? Share it!