Ciidamada Jubbaand oo qabtay qof Bam ku tuuray meel lagu caweeyo

by Kismaayo City | Wednesday, Sep 6, 2017 | 81 views

Ciidamada amaanka Jubbaland ayaa gacanta ku dhigay qof bam gacmeed caawa fiidkii ku tuuray goob lagu caweeyo oo ku taala Magaalada Kismaayo.

Qofkan ayaa la sheegay in bamku uu ku qarxay kahor inta uuna tuurin isla markana uu dhaawac kasoo gaaray qaraxii uu bamku uu sameeyay.

Ciidamada amaanka oo durba goobta tagay ayaa gacanta kusoo dhigay qofkan oo la sheegay in uu ahaa wiil dhalinyaro ah oo 16jir ah.

Hay’adaha amaanka ilaa hada ma ayna ka hadlin dhacdadan iyadoo ayna cid kale goobta wax ku noqon sida dadka goobta joogay ay xaqiijiyeen.

Al-Shabaab ayaa isku dayaya in ay khalkhal galiyaan nabadgalyada Magaalada Kismaayo oo kamid ah meelaha ugu amaanka badan Soomaaliya.

Like it? Share it!