Hay’addaha Ammaanka dalka ay kulan deg deg ah oo  yeesheen ka soo saaray Qodobo (Aqriso)

by Kismaayo City | Saturday, Jun 10, 2017 | 225 views

Saraakiisha Hay’addaha ammaanka dalka oo xalay  isugu yimid kulan deg deg ah, ayaa soo saaray amaro la xiriiro Amaanka iyo go’aanno lagu Xakameeynayo dhaq dhaqaaqa Ciidamada Millatariga Soomaaliya.

  • Kulanka oo diiradda lagu saarayay dardar gelinta qorshaha xasilinta caasimadda ayaa waxaa kasoo baxay qodobadan hoos ku xusan;
  • In tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono Askarigii Magaalada Muqdisho qori ku dhex
  • In Talaabo Sharci ah laga qaadayo cidii aan ka tirsanayn ciidanka oo lagu arko dharka ama Dareeska Ciidanka Xooga Dalka
  • In Ciidan iyo Gaadiid aan Warqad Fasax wadan in aan lagu arki karin gudaha Magaalada Muqdisho.
  • Ciidamada Xasilinta ayaa sugaya amaanka Xarumaha Dowladda iyo amaanka guud ee Caasimada ciidan kale laguma arki karo Muqdisho.
  • In Ciidan gaar ah loo sameeynayo masuuliyiinta dowladda, ayadoo loo qabtay in 48-saacadood gudahooda isku soo diiwaangeliyaan.
  • In masuul ka tirsan dowladda aan laga ogolaan doonin qashqashaad dhanka amniga ah
  • In la Faarujiyo oo laga baxo guryaha ay leeyihiin Ciidamada Xooga Dalka ee ku yaalla Muqdisho kahor 1 Julaayo6. In aan Cid loogu turin Howlgalada Xasilinta Caasimada iyo Hub ka dhigista cidii ka hor timaaddo Sharciga ayaa la horgeeynaya.

 

Qodobadan ayaa kamid ahaa waxyaalihii kasoo baxay kulankii xalay

Arintan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay wado dowladda Soomaaliya ee lagu sugayo amniga caasimadda, ayagoo intii uu socday howlgalka ay shacabka gobolka Banaadir soo dhaweeyeen, ayagoo ku tilmaamay in qorshahan yahay habka keliya ee looga guuleysan karo kooxaha kasoo horjeeda dowladda.

19029407_1865179007078592_4661244521316016041_n

Like it? Share it!