Comey: “Trump Wuxuu Doonayey in aan Daacad u noqdo” (Video)

by Kismaayo City | Thursday, Jun 8, 2017 | 321 views

Agaasimihii FBI-da ee shaqada laga eryey James Comey ayaa xubnaha senate-ka Mareykanka maanta u sheegay in madaxweyne Trump uu ka doonayey inuu daacad u noqdo, islamarkaana joojiyo baaritaanka lagu hayo xiriirka kaaliyayaashiisa iyo saraakiisha Ruushka.

Trump ayaa shaqada ka eryey Comey bishii tagtay, isaga oo sheegay inuu maskaxda ka hayey “arrinta Ruushka” markii uu gaarayo go’aanka uu ku ceyrinayo Comey oo hogaaminayey baaritaanka Ruushka.

Comey ayaa sharci dejiyayaasha u sheegay inuu aad ugu weeraray sharaxaadaha kala duwan ee Trump iyo kaaliyayaashiisa ay ka bixiyeen ceyrintiisa, isaga oo yiri “Waxay doorteen inay sumcaddeeda waxyeeleeyaan”.

Comey ayaa sheegay kulan isaga iyo Trump ku dhex maray Aqalka Cad uu madaxweynaha ku yiri “Waxaan u baahanahay daacadnimo, waxaan filayaa daacdnimo.”

Comey ayaa yiri “Markaas kadib ma dhaqaaqin, ma hadlin, mana bedelin shucuurta wejigeyga, waan aamusay kadibna innaga oo aamusan ayaan is eegnay.”

Comey ayaa sidoo kale xaqiijiyey in kulan uu Trump la yeeshay 14-kii Febraayo uu kaga codsaday “inuu iska daayo” baaritaanka Michael Flynn, oo ahaa la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Trump.

Like it? Share it!