Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug oo ku wajahan Gaalkacyo.

by Kismaayo City | Wednesday, Jun 7, 2017 | 250 views

Madaxweynaha maamul Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa la filayaa in uu maanta gaaro Magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa kasocdo dhaqdhaqaaq xoogan oo lagu soo dhaweynaayo Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Wafdiga uu hogaaminaayo.

Mudane Xaaf ayaa kulamo la qaadan doono madaxda Gobolka Mudug  iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda ku dhaqan Magaaladda Gaalkacyo.

Safarka Xaaf ee Magaaladda Gaalkacyo ayaa noqonayo safarkiisii kowaad ee uu Magaaladda Ku yimaado tan iyo markii loo doortay Xilka Madaxweyanaha Galmudug.

Like it? Share it!