Wararkii ugu danbeeyay ee weerarka Magaalada London (Video)

by Kismaayo City | Monday, Jun 5, 2017 | 263 views

7 ruux ayaa dhimatay halka 48 kale Isbitaal la dhigay kadib markii weerar loo adeegsaday baabuur iyo mindiyo xalay lagu qaaday dad ku sugnaa London bridge iyo baarar kuyaala Borough market.Weerarkan ayaa la sheegay inay gaysteen 3 qof oo uu boolisku toogtay.

Booliska ayaa lasoo wacay abaarihii 22:00 saacada London kadib markii baabuur van ah la jiidhsiiyay dhowr ruux.Baabuurkii ayaa la jiidhsiiyay dad kale oo ku sugnaa baarar kuyaala borough market.

Kooxdii baabuurka wadatay ayaa baabuurkii kadagay waxayna bilaabeen inay mindi la dhex qaadaan dadkii agagaarkaas kusugnaa.Qiyaastii 8 daqiiqo kadib booliska ayaa toogtay sadax qof oo la sheegay inay yihiin kuwii weerarka waday.

Booliska ayaa wada baadhitaan la xidhiidha kooxdii weerarka gaysatay,waxaana weerarkan loo qabtay 12 ruux oo laga qabtay xaafada Barking ee bariga London.Wararku waxay sheegayaan in boolisku baadhay guri la sheegay inuu lahaa mid kamid ah kooxdii weerarka gaysatay.Boolisku wuxuu ku tilmaamay weerarkan in uu ahaa fal argagixiso.Waxaa la hakiyay ololihii doorashada ee ka socday guud ahaan dalka UK.

Ra’iisulwasaaraha dalka UK Theresa May waxay sheegtay in doorashadu dhici doonto maalintii loo qorsheeyay oo ah maalinta Khamiista 08/06/2017.

Like it? Share it!