(AKHRISO) Madaxweyne Farmaajo oo u magacaabay Fahad Yaasiin Agaasimaha Madaxtooyada

by Kismaayo City | Wednesday, May 31, 2017 | 259 views

War saxaafadeed goor dhow ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu Fahad Yaasiin u magacaabay xilka Agaasimaha Guud ee Madaxweynaha.

“Waxaan xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u magacaabay Mudane Fahad Yaasiin oo ah nin dhallinyaro ah, karti iyo hufnaan aan ku bartay, kana soo dhalaali kara shaqada qaran ee loo igmaday. Waxaan Eebe uga baryayaa inuu masuuliyaddan culus u fududeeyo”ayaa lagu yiri War saxaafadeed goor dhow ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu sidoo kale u mahadceliyay Agaasimhii hore Madaxtooyada Abuukar Daahir Cismaan (Baalle) oo ahaa shakhsi waqti badan galiyay u khidmeynta dalkiisa iyo dadkiisa.

Fahad Yaasiin waa mid ka mid ah saaxibada ugu xooggan ee Madaxweyne Farmaajo, isagoo la sheego inuu fure u ahaa guushii doorashada Madaxweyne Farmaajo ee 8-dii February.

Magacaabista Fahad Yaasiin oo ka mid ah Saaxibada ugu weyn ee Madaxweyne Farmaajo ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay la hadal hayay, waxaana markii hore jirtay hadal heyn ku aadan in loo magacaabi doono La Taliyaha Amniga Qaranka, balse magacaabistan ayaa adkaatay, kaddib markii su’aalo laga keenay aqoontiisa xaga amniga.

Sidoo kale Magacaabista Fahad Yaasiin ayaa waxay soo afjareysa khilaaf dhanka awooda ahaa oo horay ugu dhaxeeyay Abuukar Baalle iyo ninka ku xigay C/risaaq Shoole oo ah nin awood badan ku leh Madaxtooyada, balse waxaa la ogeyn saameynta kale ay ku yeelan doonto dadkii ku xirnaa ama la safnaa Abuukar Baalle.

Fahad Yaasiin ayaa ahaa wariye horay uga soo shaqeeyay Telefishinka Al-Jazeera, gaar ahaan qeybta Carabiga, waxaana la sheegaa inuu yahay nin xiriir dhow la leh dowladda Qatar, waxaa uu horay uga qeyb qaatay isku xir dhex maray Qatar iyo dowladdii hore, sidoo kalena wuxuu kaalin ku lahaa doorashadii Farmaajo oo uu ahaa maalgelihii ugu weynaa ee ololaha doorashada.

Like it? Share it!