Deg Deg Qarax Dhaliyay Qasaaro Nafeed oo ka dhacay Kaabuul (SAWIRRO)

by Kismaayo City | Wednesday, May 31, 2017 | 259 views

Magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afgaanistan waxaa ka dhacay qarax aad u xoog badan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa iyo biro badan.

Qaraxan ayaa maanta  dhacay ayaa lagu tilmaamay in uu yahay mid kamid ah kuwii ugu weynaa ee Kabul ka dhaca In ka badan 80-qof ayaa ku dhintay qaraxan xoogan, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad ka badan 300-qof kale oo qaarkood qabaan dhaawacyo aad u culus, waxaana suurto gal ah in khasaaraha uu kasii bato inta hada la ogyahay.

Basir Mujahid, oo ah Afhayeen u hadlay booliiska Magaalada Kabul ayaa sheegay in qaraxan uu ahaa mid aad u xoog badan ayna ku dhinteen tiro aad u badan, waxa uuna tilmaamay in uu ka dhacay goobo ay ku yaalaan safaarado ay kamid tahay mida dowlada Jarmalka.

Ciidamada amaanka iyo kooxaha gurmadka ayaa wali ku howlan qaadista dhaawacyada iyo dadka ku dhintay qaraxan xoogan oo dhacay xili mashquul badan uu ka jiray

afga_1afga_10afga_6afga_11

afga_7afga_12afga_8afga_9

afga_13afga_14

 

Like it? Share it!