Ganacsatada Jubbaland oo la faray in ay shati qaataan

by jubba | Tuesday, Apr 11, 2017 | 351 views

Wasiirka Ganacsiga Jubbaland Mudane Fariid Jaamac ayaa maanta soo saaray wareegto uu ku amrayo in ganacsatada wax ka dhoofisa ama kala soo degta dekada Kismaayo ay iska soo diiwaangaliyaan wasaaradda ganacsiga.

Waxa uu sheegey in shatiyada ganacsiga ay muhiim u yihiin kor u qaadista ganacsiga iyo aqoonsiga dawliga ah ee ay helayaan ganacsatada, sidaasi darteedna ay muhiim tahay in shatiyada la qaato.

Like it? Share it!